AlShabaab oo sheegtay in ay dileen Askari Mareykan ah

Muqdisho-GNNFM- Xoogaga ururka Al-shabaab ayaa waxa ay sheegeen in ay dileen Askari Mareykan ahaa, kadib dagaal shalay ka dhacay meel ku dhow degaanka Buulo-guduud oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Warka Shabaab ka soo baxay ayaa u qornaa sida tan ”Shabaab waxay sheegtay in Askari Mareykan ah iyo Afar Askari Madow ah lagu dilay weeraro jidgal iyo qaraxyo ah, waxaan si adag isaga caabinay weerarka ay nagu soo qaadeen Ciidamada Huwanta ah.”

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay shalay in Buulo-guduud ay ku arkeen Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Dowladda Mareykanka, balse aysan xaqiijin Karin wax Duqeymo ah oo ay geysteen.

Taliska Mareykanka Africa ee AFRICOM weli kama aanay hadlin warkan ka soo baxay ururka Al-Shabaab ee ku aadan in ay dileen Askari Mareykan ah.

6-dii May 2017-kii Shabaab ayaa Dagaal ay la galeen Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya kuwa Mareykanka waxa ay ku dileen Askari Mareykan ahaa, kaasi oo ay soo bandhigeen xilligaasi sawiradiisa.

Ciidamada Mareykanka ayaa qaada hawlgalada qorsheysan ee lagu weeraro deganada ay gacanta ku hayaan Ururka Al Shabaab, iyagoo ciidanka adeegsanaya diyaarado Helicoptero ah