AlShabaab oo siidaayay labo ruux oo ay Kenya kasoo Afduubteen

Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa  sii daayay labo ruux oo Kenyaan ah oo ay soo afduubeen  November 22-keedii, waxaana dadkaasi laga soo Afduubtay tuulo hoos timaada degmada  Wajeer ee gobolka waqooyi bari.

Maxamed Biriik, Guddoomiyaha Gobolka Waqooyi Bari, ayaa xaqiijiyay sii deynta labada ruux oo xoolo dhaqato ahaa in ay timid ka dib wadahadal dhexmaray Shabaab iyo sidoo kale beesha ay kasoo jeedeen Xoolo dhaqatadda la Afduubtay.

Birik ayaa sheegay in beeraleydu ay si nabadgelyo ah u soo galeen degaanka Khorof Kharar, isagoo xusay in xukuumaddu ay adkeysay ammaanka magaalooyinka xudduudka ah si looga hortago soohdinta xudduudaha in Al-Shabaab kasoo gudbaan.

“Waxaan ku soo shaqeeynay howlgalo badan oo dhinaca ammaanka ah si aan uga hortagno dhacdo la mid ah tan Ilaalinta xadka ayaa si weyn loo xoojiyay” ayuu yiri Birik.

Dadka degaanka ayaa sheegay in xoola-dhaqatada la af-duubtay ka dib markii ay diideen in ay bixiyaan zakawaad.