Alshabaab Oo soo bandhigay Ciidamo ay sheegen in Ay ka soo gosteen Jubbland

Al-Shabaab ayaa degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ay kusoo bandhigeen laba askari oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ciidamada Jubbaland balse isku soo dhiibay.

Askartaan ayaa Al-Shabaab waxaa ay sheegeen inay ka howlgalayeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose,isla markaana lagu kala magacaabo Xasan Cabdi Ibraahim oo kamid ahaa guutada 43aad ee Ciidamada dowladda iyo Deeq Xasan Cabdi oo kamid ahaa saraakiisha Nabad sugidda Magaalada Kismaayo.

Warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in labada Askari ay hobkooda kala soo baxeen Ciidamada Jubbaland,isla maraana hubkooda loo lacageeyay.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee Gobolada Jubbooyinka weli kama hadlin warkaan kasoo yeeray Al-Shabaab ee ku aadan inay isku soo dhiibeen Ciidamo ka tirsan Jubbaland.