Alshabaab Oo Weerar Ku qaaday Saldhig Ciidan

 

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in saaka waaberigii weerar ismiidaamin ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku leeyihiin degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Gaari nooca Soomaalida u taqaano leyla Calaawi oo laga soo buuxiyey wayaabaha qarxa lagu weeraray Saldhiga Ciidamo ka tirsan Taliska qeybta 21aad ee degaanka Bacaadweyn,waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Xubno ka tirsan Wasaaradda Amniga Galmudug oo aan la xiriirnay ayaa waxaa ay sheegeen inay ka hortageen Gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ay Al-Shabaab ku weerareen Saldhiga Ciidamada ,isla markaana Gantaal lagu dhuftay gaariga ay ku geeriyoodeen dhamaan Xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee saarnaa.

Sidoo kale Mas’uuliyiintaan waxaa ay sheegeen in weerarkaasi ismiidaaminta ahaa ay ku geeriyoodeen laba askari oo ka tirsana askarta dowladda,waxaana kordhi kara khasaaraha ka dhashay weerarkaasi ismiidaaminta ahaa.

Guddoomiyaha degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug Axmed Daahir Macalin ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in xaalada degaanka saaka ay tahay mid degan,isla markaana Ciidamada Dowladda ay wadaan howlgallo kala duwan.