AlShabaab oo weeraray Macalimiin Kenyan ah

Kenya-GNNFM- Weerar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ay ku qaadeen Iskuulka ku yaalla degaanka Kharsa oo Magaalada Wajeer u jira 70 KM, halkaasi oo ay ku dileen ilaa Saddex Macalimiin ah.

Saraakiisha ammaanka dalka Kenya ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen in ay jiraan tiro kale oo weerarkan ku dhaawacmay, kuwaasi oo xaaladooda ay aad u liidato.

Sidoo kale Saraakiisha Kenya ayaa waxa ay sheegeen ragga weerarkan fuliyay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab oo ay ahaayeen Dagaalyahano ka badan Shan.

Booliska dalka Kenya oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu weerarka ka dhacay, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaanada la xiriira falkan dhacay iyo sidii looga daba tagi lahaa raggii weerarkan fuliyay.

Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro nuucaan oo kale ah waxa ay ka geysteen dalka Kenya, halkaasi oo ay ku dileen Macalimiin, kuwo kalena ay ku afduubteen