AlShabaab oo weeraray Saldhig Ciidamada AMISOM

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogaga ururka Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihin degaanka Husingow oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan oo ahaa mid culus ayaa Shabaabka waxay si gaar ah ula beegsadeen saldhigga Ciidanka AMISOM gaar ahaan qeybta Kenya, iyada oo dhinacyada ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ciidanka AMISOM ee ku sugnaa Saldhigga ayaa waxa ay si adag isaga difaaceen raga Shabaab ka tirsan oo laba jiho ka weeraray fariisinka, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Warar madax banaan oo ay heshay Idaacadda Risaala ayaa waxa ay sheegayaan inta uu weerarka socday in Ciidanka AMISOM ay ku jawaabeen tiro Madaafiic ah, kuwaasi oo qaarkood ku dhacay banaanka degaanka.

Si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan, balse warar hordhac ah ayaa waxa ay sheegayaan inuu jiro khasaare labada dhinac, iyo waliba dad shacab ah.