Amaanduulka Ciidamada Xooga Dalka Oo gaaray Buulo-Burde

Degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan waxaa Maanta gaaray saraakiil uu hoggaaminayo Abaanduulaha  Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Odawaa Yuusuf Raage.

Wafdiga Abaandulaha ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay ku sugnaayeen Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,iyaga oo kulamo la soo qaatay saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka iyo Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiisha la socota ayaa waxa ay kulamo la qaadan doonaan Sarakiisha Ciidamada xoogga ee ku sugan degmadaas,iyaga oo kala hadli doona howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Degmada Buulo-Burde waxa ay ka mid tahay degmooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab,waxaana saraakiisha Ciidamada ay dhowr mar sheegeen inay go’doonka ka qaadi doonaan.