Amaanka Magaalada Kismaanyo Oo Caawa Aad loo Adkeeyay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ammaanka Magaaladaasi Caawa si weyn loo adkeeyay .

Ciidamado  isugu jira Kenyaan iyo Soomaali ayaa la geeyay Duleedyada iyo Kontoroolada laga soo galo Magaalada Kismaayo.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay baaritaan ka waddaan Gudaha Magaalada.

  • Dadka Magaalada Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in xataa Caawa ay xiran yihiin Ganacsiyadda ka agdhow Madaxtooyadda Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu waddaa in uu maalinta berri ah taggo Magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay maanta gaareen maalmo ka hor  Wafdi horudhac u ah.