Dhawaan waxaa amar uu kasoo baxey Maamulka Puntland ,kaas oo ku aadan qorshooyin dhowr ah oo looga hortagayo Cudurka Coronavirus,waxaana amarkaas kamid ah bandow Habeenkii ah oo lagu soo rogayo dhamaan Magaalooyinka Puntland,kaas oo soconaya muddo 15 Cisho ah.
Inta badan Magaalooyinka Puntand ayaa waxaa ka dhaqan galay bandowga oo bilaabanayey 6:00 Maqribnimo kuna eg ilaa 5:00 Subaxnimo,iyada oo ay istaageen isku socodka dadka iyo Gaadiidka.
Magaalooyinka,Garoowe,Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo,Boosaaso,Khardho, Carmo iyo deegaano badan oo ka tirsan puntland ayuu amarka bandowga ah ka dhaqan galay,waxaana wadooyinka lagu arkayay ciidamo farabadan oo fulinaya amarka Madaxda sare ee puntland.
Taliye Qeybta Booliska Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in Guud ahaan deegaannada Puntland uu ka dhaqan galay bandowga,isla markaana dhamaan ay hakad galeen isku socodka dadka iyo Ganacsiga habeenkii.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in inta uu socdo bandowga kaliya la fasaxay inay socdaan Mas’uuliyiinta xillaka ka haaya maamulka iyo Wariyeyaasha doonaya inay Warbixino ka diyaariyaan sida uu u dhaqan galay bandowga iyo howlaha kale ee ka socda deegaannada Puntland.
Sawiro laga soo qaadey Magaalooyinka,Boosaaso,Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa waxaa la arkayay Magaalooyinkaas oo xilli hore oo maqribkii ah ay addka sii xaroodeen oo ,iyaga oo u hoggaansamey Amarka Madaxda Puntland.
Guud ahaan Magalooyinka Puntland ayaa waxaa la dhogey Ciidamo farabadan oo Boolis ah,kuwaas oo dhaqan gelinaya Bandowga,sidoo kale ka qeyb qaadanaya sugida Amniga Magaalooyinkaas.
Sidoo kale magaalooyinka Puntland waxaa laga mamnuucey in muddo 15 Cisho ah ay ka Shaqeeyaan Gawaarida dadweynaha si looga hortago Cudurka Coronavirus,waxaana xusid mudan in deegaannada Puntland aan laga helin kiisas kamid ah COVID 19.