Amarkii kasoo baxay Dowladda Somaliya oo dhaqan galay

Isniintii la soo dhaafay ayaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliy uu ku dhawaaqay in dhamaan la joojinayo duulimaadyada Caalamiga ah ee yimaada soomaaliya iyo kuwa ka baxa laga bilaabo Maanta oo ku beegan 19/3/2020.

Go’aankaas ayaa Wararka aan heleyno Maanta dhaqan galay,iyada oo ilaa iyo hadda saakay aysan wax diyaarado ah oo ka yimid wadamada Caalamka ee soo gaarey muqdisho iyo Gobolada,iyada oo Go’aankaas ay dowladda u gaartey arrimo la xiriira Cudurka Coronavirs.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay waqti badan gelineyso sida looga hortegi karo Caabuqa Coronavirus oo dalal badan saameyn ku yeeshay,iada oo joojisey duulimadyadaii Caalamiga ahaa,sidoo kale xirtey muddo 15 Cisho ah Goobaha Waxbarashada.

Dalal badan ayaa qaatey Go’aan noocan oo kale oo uu Cudurkaasi corona-virus gaarey iyo kuwo uusan weli gaarin,iyada oo lagu dadaalaayo in cudurkaasi uusan dadka gaarin.