Amaro Laduldhigay Dadka Booqanaya Xaafiiska Madaxweynaha Puntland

Wareegto ka soo baxday Madaxtooyadda maamulka Puntland ayaa waxaa lagu joojiyay in ilaa iyo amar dambeĀ  wax dadka aysan soo booqan karin Xafiiska Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Dhammaan Golayaasha dowlada ayaa waxa si xushmad leh loogu waregeliyay in daruufo jiro awgood la hakiyay inta muddo ah balamada iyo qaabilaadda Madaxweynaha Puntland.

Laamaha amniga Madaxtooyadda Puntland ayaa waxaa la faray in laga bilaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 5-ta Bisha labaad 2019 la joojiyay qaabilaadda dadka u imaanayo Madaxweyne Deni Ā ilaa iyo amar dambe.

Magacaabista Golaha Wasiiradda Puntland ay socdaan uuna Ā mashquul noqday Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni,isla markaana ay buux dhaafiyeen dad farabadan.

Hoos ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Madaxtooyadda Maamulka Puntland.