Amaro lagu soo rogay Gaadiidleyda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari

Taliska booliiska gobolka Bari ayaa amar kusoo rogay gaadiidka Takaasida ah ee ka dhex shaqeeya magaalada Bosaaso, kuwaas oo ah baabuurta ugu badan oo ay isticmaalaan shacabka Bosaaso.

Sidoo kale taliska ayaa sheegay in ganaax lacageed ay ka qaadayaan baabuurta leh miraayadaha madow maadaama hay’addaha amaanka ay horay u mamnuuceyn.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Bari, gaashaanle dhexe Cabdixakiin Yuusuf Xuseen, ayaa warbaahinta u sheegay in gaadiidkaan iyo dadka wataba macluumaad badan laga diiwaan galin doono, si hadda kadib loo kala aqoonsado ayna u sahlanaato soo qabashada gaadiidka dhibaatooyinka lagu geysto.

Amarkaan lagusoo rogay gaadiidkan, ayuu taliyuhu ku sheegay inuu qeyb ka yahay qorshe lagu adkaynayo ammaanka magaalada Bosaaso.

Muddooyinkii dambe Ciidamada amaanka Puntland gaar ahaan kuwa ka howlgala gobolka bari ayaa waday howlgalo amniga lagu xaqiijinayo, waxaana saraakiisha hay’adda amaanka ay sheegeen in warbaahinta loo soo bandhigayo natiijada ka soo baxda howlgalada ay ciidamada amaanka wadaan.