Amaro lagu Soo rogay Hay’adaha ka howlgala Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Warqad u dirtay Hay’adaha degan Xerada Xalane ee caalamiga ah,sida Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, AMISOM, safaaradaha , sharikadaha duullimaadka iyo dhamaan hay’adaha kale ee Caalamiga.

Warqada ayaa lagu ogeeysiiyay in ay Magaca Garoonka Diyaaradaha u isticmaalaan kan saxda ah ee loo bedelay oo ah Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan-Cadde balse aysan u isticmaalin Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho.

Warqada oo kasoo baxday Xafiiska wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duuulista Hawada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tallaabadaan looga gol leeyahay in lagu maamuuso madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan.

Ugu dambeyn Xubnaha Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay inay bedelaan u adeegsiga Magaca garoonka Garoonka Caalamiga ah ee diyaaradaha Muqdisho oo wali ku jira warqadaha rasmiga ee la isu diro una dhigaan garoonka  diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan-Cadde.