Amaro lagu Soo rogay Shirkadaha Ganacsi ee Magalada Boosaaso

Taliska Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay amaro duldhigeen Shirkadaha Ganacsi iyo Goobaha Waxbarasho ee ku yaalla Guud ahaan Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Amaradaas ayaa  ku socda Ganacsatada Hotelada,Shirkadaha .Warshadaha Barafka iyo Biyaha iyo Mamulayaasha Goobaha Waxbarashada  ee Boossaaso ayaa lagu wargeliyay inay soo diiwaan geliyaan Shaqaalahooda

Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud ayaa warbaahinta la hadlay ayaa ku amray Shirdaha Ganacsi iyo Maamulayaasha Iksuulada inay soo diiwaangeliyaan Shaqaalahooda.

“Waxaa fareynaa Maanta laga bilaabo mudo 15 Beri ah inay Shaqaalahooda soo diiwaangeliyaan Shirkadaha Ganacsi iyo Goobaha Waxbarasho ee Magalada Boosaaso cidii ka dhega adeegtana tallaabo sharci ah ayaan ka qaadeynaa ayuu yiri Taliye Xuseen.