Amarro lagu soo rogay maraakibta isticmaasha calanka somaaliya

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay wareegto lagu baabi’nayo dhammaan shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya.

Wareegtada ka soo baxday wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidan u qorneyd:-u

“Iyaddoo laga ambaqaadayo dardar-gelinta waajibaadka shaqo ee Wasaaradda u xilsaaran tahay sidoo kale muhiimad gaar ah la siinayo horumarinta nabad gelyada iyo badbaadada nolosha badmaridda waxay Wasaaradda soo saartay qodobadaan soo socda:-

1-Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waxay Baabi’isay/tirtirtay dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya.

2-Dhammaan shahaadooyinka Diiwaan gelinta ee Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga kana diiwaan geshan Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waa in lagu soo celiyaa sida uu qabo Sharicga Badda Soomaaliyeed.

3-Markabkii /Doontii ku qaadata Calanka Soomaaliyeed si aan waafaqsaneyn Sharciga Badda waxaa laga qaadayaa tallaabo waafaqsan xeerarka dalka iyo kuwa Caalamiga ahba.

4-Wasaaradda waxay soo saari doontaa Xeer-nidaamin cusub oo lagu diiwaan gelin doono Maraakiibta iyo Doonyaha iyaddoo la hubinayo inuu buuxiyey sharruudaha uu tilmaamay qaanuunka, si loo oggaado Calanka Soomaaliyeed.

5-Milkiileyaasha Maraakiibta iyo Doonyaha u hoggaasami waaya qodobada ku xusan wareegtadaan waxaa si deg deg ah looga qaadayaa talaabo waafaqsaneyn Sharciga.”

Gabogabada Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa lagu sheegay in laga bilaaboTaariikhda wareegtadaan la saxiixo la baabi’iyey dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya, waxaana sidoo kale Wareegtada lagu xusay in Wasaaradda 25 Novermber ee Sanadkaan 2018 ay bilaabeyso diiwaan gelinta rasmiga ah ee Maraakiibta, si waafaqsan Sharciga dalka.