Amiir oo la kulmay Safiirka imaaradka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi, iyagoona ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo sidii loo balaarin lahaa mashaariicda horumarineed oo ay Dowladda Imaaraadka ka fuliso Magaalada Muqdisho.
Safiirka Dowladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Gudoomiye Amiir xilka culus ee loo igmaday, intaa kadib safiirka ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadka ay diyaar u tahay sidii loo amba qaadi lahaa mashaariicda horumarineed ee ay ugu talagashay dib udhiska Caasimadda iyo bilicda Magaalada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kaga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka garab istaaga shacabka Soomaaliyeed iyo doorkooda ku aadan ka qeyb qaadashada dib usoo kabashada Caasimadda, asigoona sidoo kale xoojiyay sii amba qaadida heshiisyada iskaashi ee horey u horey loo galay.