Amiirkii Kuwait oo Geeriyooday…

Amiirkii Dalka Kuwait Amiir Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-Jaabir Ayaa geeriyooday isagoo jiray 86 sano ayaa geeriyooday sida lagu xaqiijiyay war kasoo baxay Dowladda oo lasii daba-dhigay dhambaal tacsi ah oo ehelka iyo shacabka dalkaas loo diray.

Bishii September 2020 ayuu maamulka Kuwait la wareegay kaddib markii uu waqtigaas geeriyooday walaalkiis oo da’ ahaan ka waynaa waxaana uu xiligaas jiray 91-sano sida uu sharciga dalkaas yahay xilka ayuu la wareegay tacsida kaddib.

Nawaaf ayaa bishii Nofeembar 2023 waxaa la dhigay Isbitaal kaddib markii uu xannuunsaday balse maalmihii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in uu soo caafimaadayay inkasta uu dareemayay xannuunkii isbitaalka loo dhigay.

Wakaalada Wararka KUNA ayaa sheegtay in waddanka uu galay maalmo tacsi ah si loo Qaban-qaabiyo aaska iyo soo dhaweynta madaxda dalkaas u tageysa sidii ay uga qaybgali lahayd duugta loo sameynayo amiirka.