AMISOM oo faah faahin kabixisay sababtii kadan beysay xayiraadii Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxda AMISOM Amb. Francisco Madeira, kaasi oo quseeyay tabasho uu qabay Aqalka Sare.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Kuxigeenada Aqalka Sare ee Baarlamaanka, waxaana si gaar ah looga hadlay dhacdadii ciidanka AMISOM bishii Juun ay ugu diideen inuu Garoonka ka dhoofo Guddoomiyaha Aqalka Sare, inkastoo markii dambe muran dheer kadib la fasaxay.

Amb. Francisco Madeira ayaa raali gelin buuxda ka bixiyay falkii lagu xayiray Guddoomiye Cabdi Xaashi, wuxuuna balan qaaday in mar dambe aanay arrintan soo laaban doonin, sidoo kale waxay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Hay’adood.

“Een, Wadahadalkii aan yeelanay waxa uu ku saabsanaa arrimaha amniga iyo nidaamka, si isku dhow ayaan wax isugu fahanay, waxana rajeynayaa in lagu qancay sharaxaadii aan bixinay waxana rajeynayaa in si dhow an labadeena dhinac u wada Shaqeyno.” Ayuu yiri Ambassador Francisco Madeira.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulalahi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kulanka dhexmaray labada dhinac iyo raali gelinta AMISOM, wuxuuna aad u amaanay kaalinta ay AMISOM kaga jirto nabadeynta Soomaaliya.