AMISOM oo ku dhawaaqday Hawlgalo Kadhan ah Alshabaab

AMISOM ayaa ku dhawaaqday hawlgal cusub oo lagu furayo wadada dheer ee xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, oo la rumeysan yahay in ay ku jiraan xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Gaashaanle Sare Wilson Rono ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliya ay isku dayayaan in ay dib u furaan wadada weyn ee isku xirta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo Baydhabo.

Waxa uu sheegay Al-shabaab in laga saaray magaalooyinka, balse ay xilligan ku soo uruureen inay qaraxyada ku aasaan wadooyinka, balse hada kadib ay u soo jeesteen sidii looga nadiifin lahaa wadooyinka, si ganacsatada ay u isticmaalaan.

Gaashaanle Sare Wilson ayaa intaa ku daray in hawlaha shaqo ay u jooggan dalka ay qayb ka tahay inay furaan wadooyinka, sida ugu dhaqsiyaha badana ay u furi doonaan, isagoo intaa ku daray in wadooyinka ay ciidamo dejinayan.

Hadalka Gen. Wilson ka soo yeeray ayaa imaanaya xilli xoogaga ururka Al-shabaab ay wadada u galeen kolonyo ka tirsan AMISOM, meel ku dhow degmada Balcad, Jimcihii ina dhaaftay, halkaasi waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray Ciidanka AMISOM.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa marar badan ku celceliyay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM laga doonayo in ay furaan wadadan, balse weli aanay suuragelin oo ay jiraan dhibaatooyin ay wadadaasi kala kulmayaan dadka rayidka ah