AMISOM oo shacabka ugu baaqday inay xoojiyaan nabadda

Ergeyga Gaarka ah Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Caetano Jose Madeira ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa oo maanta ku began.

Mr. Madeira ayaa dhammaan muslimiinta ku booriyay inay isku naxariistaan, isaga oo ugu baaqay inay xoojiyaan nabadda, walaaltinimada iyo daryeelka dadka danta yar ee ka mid ah bulshada.

Ambassador Madeira ayaa yiri “Waxa aan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda Ciidul Adxaa, waxa aan leeyahay sannadkan sannadkiisa ku ciida bashbash, barwaaqo, nabad iyo Ciid wanaagsan”.

Ergeyga Gaarka ah Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku celiyay sida ay AMISOM ay uga go’an tahay ilaalinta guulaha laga gaaray dalka.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta waxa ay u dabaal degayaan maalinka koowaad ee Ciidul Adxaa, maadaama shalay Malaayiin xujey ah ay istaageen Banka Carafa,si ay gutaan mid ka mid ah rukniyada ugu muhiimsan Xajka.