AMISOM oo Sheegtay inay sare u qaadeyso hawlgalkeeda Soomaaliya

Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ka hawlgala Soomaliya ayaa waxa ay sheegeen inay wadaan qorshe ay ku kobcinayan Labaatan ka mid ah saldhigyadooda Millatari, 6-da bil ee soo socota.

War qoraal ah oo ka soo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in khubaro ka kala socota Ingiriiska iyo QM qeybta qabilsan arrimaha Miina baarista ay ku shirsan yihiin Muqdisho, iyaga oo ka arrinsanaya dhaqaalaha ay ku xoojinayaan hawlgalka cusub ee AMISOM.

Sidoo kale AMISOM ayaa waxa ay sheegtay ujeedka hawlgalkan inuu yahay sidii Shabaab looga saari lahaa goobaha ay kaga sugan yihiin gobolada dalka, midaasina ay garab ku siinayaan ciidamada Soomaaliya.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa waxa ay sheegeen inuusan waxba soo kordhineyn hawlgalkan cusub, keliyana ay caalamka doonayaan inay u arkaan inay la dagaalamayaan Al Shabaab.

Hadalkan AMISOM ay ku dhawaaqday ayaa ku soo aadaya xilli gobolada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose fariisin AMISOM ay ku leeyihiin weeraro lagula eegtay dhawr mar, weli waxa muuqata inay cadaadis kala kulmayaan Ururka Al Shabaab.