AMISOM Oo Xilliga Loo Kordhiyey, Loogana Digay In Xilli Hore Laga Daad-Gureeyo Somalia

Golaha Ammaanka ee QM waxay xalay Kulan Khaas ah ka yeesheen Arrimaha Somalia iyo Xilli-u-kordhinta Hawlgalka AMISOM.

Guddoomiyaha xilligan ee 15-ka xubnood ee Golahaasi, ahna Danjiraha joogtadda ee dalka Kazakhistan u fadhiya QM, Ambassador Kayrat Umaraov, wuxuuna ka digay in Ciiddanka AMISOM xilli hore laga daad-gureeyo Somalia, wuxuuna carrabka ku dhuftay inaysan Ciiddanka Soomaalida haatan diyaar u ahayn inay si buuxda ula wareegaan Mas’uuliyadda Ammaanka dalkooda.

Ambassador Kayrat Umaraov oo Madax ka ah Guddiga Golaha Ammaanka ee QM ee Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea, waxa kale oo uu sheegay inaan Somalia laga qaadi doonin Cunaqabatayntaasi, ilaa inta dalka Somalia laga hirgelinayo Isbedel dhinacyadda Siyaasadda iyo Ammaanka

Dhinaca kale, Golaha Ammanaka ee QM waxay xalay u codeeyeen in Xilliga loo kordhiyo Hawlgalka AMISOM, wuxuuna Goluhu sheegeen in Xilli-kordhintaasi ku ekaan doonto bisha May 31-da ee sannadka soo soccda ee 2019-ka.

Sidoo kale, Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxay isku raaceen  Qaraar tirsigiisu yahay 2431, kaasi oo lagu dhimayo Tirada Ciiddanka labisan ee Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo tiradooda la gaarsiin doono 20,626 Askari marka la gaaro bisha Feberaayo 28-da ee sannadka soo socda ee 2019-ka.

Sidoo kale waxaa la dhimayaa Ciiddanka Boliska ee AMISOM, kuwaasi oo tiradooda lagu soo koobi doono 1,040 Askari marka la gaaro bisha Feberaayo 28-da ee sannadka soo socda ee 2019-ka.