Ammaanka Caasimadda Uganda Oo La Adkeeyey, Xilli Laga Cabsi Qabo Inay Al-Shabaab Weerar Ka Geystaan

Ku-xigeenka Afhayeeka Boliska Uganda, Patrick Onyango oo la hadlay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa sheegay in Heegan buuxda geliyeen Ciiddanka Boliska iyo kuwa Milliterig, si ay uga hor tagaan inay Alshabaab mar kale weerar ka geystaan Ciyaarta Finaalka ee Koobka Adduunka oo caawa lagu soo gebagebebeyn doono dalka Raashiya.

Patrick Onyango waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Boliska ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda, kuwa Ka-hortaga Qaraxyadda iyo Milliteriga inay ilaalo socod iyo gaadiidba leh ku gaaf-wareegi doonaan magaalladda Kampala iyo magaallooyinka kale ee waa weyn ee dalkaasi, si ay uga hortagaan Weerar kasta oo ay suurto-gal tahay inay dhacaan inta la dawaanayo  Ciyaarta Finaalka ee Xulalka Faransiiska iyo Koreeweshiya oo caawa  ka dhici doonta dalka Raashiya.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxaa horey loogu eedeeyey inay ka dambeeyeen 2 qarax oo  bishi iJuly 11-dii ee sannadkii 2010-kii lala beegsaday dad ciyaartii Finalka ee Koobka Adduunka ku daawanaysay gudaha Kampala.

Hay’addaha Ammaaaka Uganda waxay sheegeen inay ugu yaraan 76 qof ku geeriyootay qaraxaasi, halka Tobaneeyo kalena ku dhaawacmeen