Amniga Caasimda Oo bisha ramadaan isbedel lagu sameynayo

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar ayaa waxa uu sheegay in Ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira Millitari, Boolis iyo Asluub loo diyaariyay xaqiijinta ammaanka Muqdisho, marka la guda galo Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Ciidankan oo xalay lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka in ay kuwo ku filan xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho, maadaama la siiyay tababar ku filan.

“Xalay waxaan ka qeyb galaya Munaasabad ay soo qaban qaabiyeen Taliyeyaasha Ciidamada oo markale ku celiyay in ay yihiin Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaa aad looga hadlay Bisha Ramadaan sida ammaanka lo sugi karo, xilligaasi oo nimankan fikirka qaldan heysta ay geysan karaan falal ka baxsan amniga.” Ayuu yiri R.W Kuxigeenka.

Sidoo kale R.W Kuxigeenka oo la hadlay TV-ga warbaahinta Dowladda ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Qaranka oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay ku filan yihiin ammaanka Magaalada, inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan oo Shabaab ay kordhiyaan qaraxyada ay geystaan.

Waxaa maalmo qura ka harsan Bisha Barakeysan ee Ramadaan, iyadoo dadka qaarna ay aaminsan yihiin in marka la gaaro Ramadaanka ay Al-shabaab kordhiyaan weerarada.