Amniga Goobaha Shirka Dib- uheshiisiinta ee lagu qabanayo Baydhabo oo lagu wareejiyey Ciidamada Midowga Afrika ee ATIMIS.

Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamadda Koofur Galbeed laga wareejiyay sugida amniga goobta lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta ee Maamulka K/Galbeed.

Wararka ayaa inta ku daraya in amniga goobta shirka iyo meelaha ay dagayaan xubnaha mucaaradka ay la wareegeen ciidamadda ka socda dalka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan saacado badan socday la qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS.

Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud ee magaalada iyo nawaaxigeeda iyadoo saraakiisha ciidanka ATMIS ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS u sheegeen in ay sugi doonaan amniga guud ee magalada, goobta shirka lagu qabanaayo ee Baydhabo, wufuuda imaaneysa iyo amniga madaxda qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS isagoo ku dhiirageliyay in laga taxdaro kooxda Al-Shabaab.

Talaabadan ayaa loo badinayaa iney qeyb ka tahay shuruudaha ay la qeyb galka shirkaasi ku xireen midowga muaharixiinta mucaaradka oo u arka ciidanka Koofur Galbeed kuwo ka amar qaata oo kaliya madaxweyne C/casiis Lafta-gareen oo aysan isku haleyn karin.