Amniga Kismaanyo oo siweyn loo Adkeeyay iyo madax kusoo wajahan

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socota qaban qaabada Shirka Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada oo lagu wado in Maalinta berito uu halkaasi ka furmo.

Amniga Magalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyey,waxaana Maanta la filayaa inay inta badan tagaan Madaxda Maamul Goboleedyada, Puntland,Koonfur Galbeed,Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa shirkooda waxa ay uga hadli doonaan khilaafka xilligaan ka dhex jira dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada iyo qodobo kale.

Amniga ayaa Maanta ilaa shalay aad loo adkeeyey,waxaana Gudaha Magalada Kismaayo iyo goobaha ku dhow dhow Xarunta Madaxtooyada lagu arkayaa ciidamo amniga xaqiijinaya.

Shirkaan Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa noqonaya kii Saddexaad oo ay yeeshaan,waxaana kii ugu dambeeyey ay ku yeesheen Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.