Andres Iniesta Oo Xaaladda Taagan Ee Neymar Qaab Aysan Jecleysan Doonin Taageerayaasha Barcelona Uga Hadlay

Qannaaska Barcelona Andres Iniesta ayaa si lama filaan ah uga hadlay wararka xiddigga Paris Saint-Germain, Neymar ee suuqa hareeyey.

Brazilian-ka waxa uu aad magaciisa u yaal suuqa kala iibsiga xilli la sheegay in uusan ku faraxsaneyn Perc de Princes kaddib dhawr mar oo ay gudaha garoonka isku maan dhaafeen Edison Cavani.

 

Xanta ayaa ku warrameysa in Real Madrid ay xiiseeneyso in ay keento Bernabeu iyada oo ay ka go’an tahay qorsheynta saxiix aad u weyn.

Haseyesshee, waxa ay ku qasbanaan doonaan jabinta qiimaha rikoodhka ah £198million ee lagu iibsaday Neymar xagaagii hore.

Sidoo kale waxaa jiray warar Neymar la xiriirinaya ku soo noqoshada Barcelona, laakiin Iniesta waxa uu aaminsan yahay in ay taasi ka fududahay in uu ku biro Real Madrd.

 “Runta waxa weeye in mustaqbalka Neymar aysan ahayn wax aan ka fekerayo,” ayuu Iniesta u sheegay Baarnaamijkan El Larguero oo ka baxa Raadiye.

“Caadiyan, Madrid waxa ay la saxiixata mid ka mida kuwa dunida ugu wanaagsan, laakiin – Barca – waxa ay sii wadi doontaa naqshaddeeda taas ka fiican.”

  1. Markaan waad ku waten Barcelona iyo leyon mess wegan dhan kama adan hadlin wax kale barcelinataa ayaa ka hadleysen miyesan dad la wadaga kubada cagata misa wabsetkan waxow noqday mid hal koox bis u shaqeyo of laga xayey siiyo war cadi iska dhigabaracelona maba idin taqaan marka shacabaka adin aqrista of samalida yey San nicin wabsedkiina noqda mad ka hadla nadiysha dhan inataba idinkola talin