Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ku-waafaqidda Madaxweynaha JFS ee wax-ka-bedelka Hindise Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yasin Haji Samatar, ayaa waxaa ogolaaday 140 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, halka 4 kale ay ka aamuseen.
Hindise Sharciyeedkaan ayaa muhiim u ah dib-u-habeynta iyo tayeynta hay’adaha maaliyadda, iyadoo la filayo in isbeddelka lagu sameeyay uu kor u qaado hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo shaqada Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.