Antonio Conte Oo Ku Baaqay In La Adeegsado Farsamooyinka Casriga Ah Ee Fiidiyoowga, Sababa La Xidhiidha Goolkii Laga Diiday Álvaro Morata Kulankii Old Trafford

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa ku baaqay in ay muhiim tahay horyaalka Premier League-ga in la helo qalabka farsamooyinka casriga ah ee fiidiyoowga sababa la xidhiidha goolkii uu dhaliyay Álvaro Morata inta ay ciyaarta socotay, taasoo ugu dambeyn ay guul ku gadhay 2-1 kooxda Manchester United kulankii ka dhacay garoonka Old Trafford.

Chelsea ayaa la timid goolka furitaanka daqiiqadii 32-aad ee ciyaarta. Waxayna Kooxda martida loo ahaa ayaa barbareysay qeybtii isla qeybta hore ee ciyaarta daqiiqadii 40-aad ayaa kubad ay si fiican kaga soo shaqeeyeen ciyaartoyda kooxda Manchester United waxaa gool u badalay weraryahanka reer Belgian Romelu Lukaku.

 

Inkastoo Jesse Lingard oo ciyaarta badal kusoo galay uu Jose Mourinho iyo wiilashiisa kooxda Manchester United uu u dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 75-aad ee ku dhawaad dhamaadka qeybtii labaad ee ciyaarta, taasoo u suura galisay Unitedka in garoonkeeda Old Trafford ay ku qaadato saddexda dhibcood ee kulankan.

Laakiin garsoorkii ciyaarta maamulayay ayaa diiday gool uu Álvaro Morata u dhaliyay Chelsea daqiiqadii 89-aad sababa la xidhiidha inuu sheegay in laacibka uu ahaa mid sameeyay garab dhaaf, laakiin macalinka reer talyaani ee Antonio Conte ayaa wuxuu kulanka kadib la hadlay shabakada Sky Sports wuxuuna yidhi:” Waa inaan daacad u ahaado, waali maan dib u daawanin ciyaarta”

Macalinka reer Talyaani ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Waxaan ku celinayaa, waxaan rumeysanahay in farsamooyinka casriga ah ee fiidiyoowga ay tahay mid aad muhiim u ah, gaar ahaan horyaalka Premier League-ga, sababtoo ah inta lagu jiro ciyaarta waxaa jira kiisas badan ay waajib tahay in lagu baaro”.