Antonio Conte Oo Sharraxay Sababta Aan Isaga Lagula Barbardhigi Karin Jose Mourinho & Farqiga U Dhaxeeya Labadooda Waqti Ee Bridge.

Tababare Antonio Conte ayaa aaminsan in Jose Mourinho uu si hawlyar u maray inuu guulo ku hogaamiyo kooxda Stamford Bridge, balse uu isaga dhib ka maray marka lala barbardhigo macalinka reer Portugal.

Jose Mourinho ayaa soo xaadiray Stamford Bridge sanadkii 2004 isagoo guul gaaray 72-ka mid ah 100-kiisa kulan ee ugu horeeyay, balse Conte wuxuu tiradaas kulamada ah ku helay kaliya 65-guul.

Si kastaba, Conte wuxuu aaminan yahay in kooxda ay gashay marxalad kale, sidoo kalana ay ku jirto waqti ka duwan kii hore, marnabana aysan macquul aheyn in la is barbardhigo waqtigiisa iyo kan Mourinho.

“Waan sameyn karaa wax ka fiican, taasina waa maskaxdeyda, Hubaashii waa xog fiican, Mourinho waa 72? balse waxaan ka hadleynaa tababare fiican” ayuu yiri Antonio Conte

“Ha iloobin in 100-ka kulan ee Mourinho ay aheyd sanado badan ka hor, hadda maahan wax sahlan iney Chelsea hesho natiijooyinkaas”

 “Waa waqtiyo kala duwan oo taariihda kooxda qeyb ka ah, farqi ayaa u dhaxeeya hadda iyo markii hore, waa inaan taasna tixgelinaa”

“Waxaan koob kula guuleystay Juventus oo laba jeer booska 7-aad ku dhameysatay, marka aad habkaas horyaal ku qaado, waa guul weyn”

“Xilli ciyaareedkii hore waxaan horyaalka la qaaday Chelsea oo booska 10-aad ku dhameysatay, waana guul weyn”