Aqalka Sare oo Ansixiyay Sharciga Hay’adda Saadaasha Hawada

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa shir-guddoomiyay kulanka 10-aad ee kalfadhiga 8-aad ee Golaha Aqalka Sare, kaas oo looga hadlay hindise-sharciyeedyada la xiriira saadaasha hawada, iskaashiga garsoorka iyo maaraynta deegaanka.

Kulanka ayaa waxaa ajandaha ku jiray akhrinta saddexaad ee Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada, akhrinta koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka iyo akhrinta koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Maaraynta Deegaanka.

Ugu horreyn, mudanayaasha Aqalka Sare ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada, kaddib markii Xoghayaha Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Sanatar Samsam Daahir Maxamuud, ay Golaha la wadaagtay warbixinta akhrinta saddexaad ee hindise-sharciyeedka, iyadoo ka codsatay mudanayaasha inay meel-mariyaan.

Cod loo qaaday hindise-sharciyeedka ayaa waxaa oggolaaday 27 Sanatar, mana jirin cid diidday ama ka aamustay. Ansixintan ayaa ah tallaabo sharciyeed la xiriirta dhismaha hay’ad qaran oo qaabilsan saadaasha hawada, taas oo muhiim u ah helitaanka xogta iyo saadaalinta xaaladaha cimilada.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa uga mahadceliyay mudanayaasha Aqalka Sare ansixinta hindise-sharciyeedka. Wasiirka ayaa sheegay in sharcigan uu Soomaaliya u horseedi karo inay kaalin muuqata ku yeelato fagaarayaasha caalamiga ah ee looga tashado arrimaha saadaasha hawada.

Dhanka kale, mudanayaasha Aqalka Sare ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka, kaas oo Golaha ay u soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo Golaha ka horjeediyay muhiimadda hindise-sharciyeedkan, ayaa sheegay inuu nidaaminayo iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca garsoorka, gaar ahaan arrimaha la xiriira isku wareejinta maxaabiista xukuman iyo dhiibista dadka lagu eedeeyo ama lagu helo dambiyada, iyadoo la raacayo habraacyada sharciga ee khuseeya.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in hindise-sharciyeedkan uu saldhig u noqonayo hirgelinta sharciyo kale oo muhiim u ah Soomaaliya, kuwaas oo xoojinaya iskaashiga garsoorka ee heer caalami, isla markaana fududeynaya wada-shaqeynta dhinacyada ay khuseyso.

Sidoo kale, Golaha Aqalka Sare ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Maaraynta Deegaanka, kaas oo ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo ilaalinta deegaanka iyo dhowrista khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa mudanayaasha u faahfaahiyay ujeeddooyinka iyo muhiimadda hindise-sharciyeedkan. Waxa uu carrabka ku adkeeyay doorka ay hay’addu ku yeelan karto ilaalinta deegaanka, hirgelinta xeerarka dalka ee la xiriira deegaanka iyo sugidda badqabka deegaanka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dhismaha hay’addan uu yahay masuuliyad qaran oo muhiim u ah ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, ka hortagga waxyeellada deegaanka iyo xaqiijinta in horumarka dhaqaale ee dalka uu waafaqsan yahay dhowrista deegaanka iyo waaritaanka khayraadka dabiiciga ah.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa u mahadceliyay sanataradii ka soo qeybgalay kulanka, isaga oo ku boorriyay in hindise-sharciyeedyada la horgeeyay Golaha ay guddiyada ku shaqada leh uga shaqeeyaan si waafaqsan Dastuurka dalka iyo xeer-hoosaadka Aqalka Sare.

Kulankan ayaa qeyb ka ah howlaha sharci-dejinta ee Golaha Aqalka Sare, iyadoo mudanayaashu ay sii wadaan ka shaqeynta hindise-sharciyeedyada khuseeya hay’adaha qaranka, iskaashiga garsoorka iyo ilaalinta deegaanka Soomaaliya.