Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 6-aad ee Golaha Aqalka Sare.
Ajandaha kulanka ayaa ahaa akhrinta saddexaad ee Hindise-Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wax-ka-beddelka Qeybta 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka.
Ugu horreyn, Sanatarrada Aqalka Sare ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed, ay Golaha la wadaagtay warbixinta akhrinta saddexaad ee hindise-sharciga.
Guddoomiyaha guddiga ayaa Sanatarrada ka codsatay in ay meel mariyaan Hindise-Sharciyeedka Macdanta, kaddib markii la soo dhammeystiray marxaladihii akhrinta iyo dib-u-eegista sharciga.
Markii cod loo qaaday Hindise-Sharciyeedka Macdanta, waxaa oggolaaday 28 Sanatar, halka 2 Sanatar ay diideen, mana jirin xubin ka aamustay. Sidaas ayuu hindise-sharcigu ku helay ansixinta Golaha Aqalka Sare.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, oo fadhiga Golaha goob-joog ka ahaa, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare uga mahadceliyay ansixinta Hindise-Sharciyeedka Macdanta.
Wasiirka ayaa sheegay in ansixinta sharcigan ay tahay tallaabo muhiim ah oo horseed u noqon karta in si hufan, sharciyeysan oo waara loo maareeyo loogana faa’iideysto macdanta iyo guud ahaan khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Sanatar Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer), ayaa Golaha la wadaagay warbixinta akhrinta saddexaad ee wax-ka-beddelka Qeybta 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka.
Markii cod loo qaaday wax-ka-beddelka sharciga, waxaa oggolaaday 29 Sanatar, halka hal Mudane uu ka aamusay, mana jirin cid diiday. Sidaas awgeed, wax-ka-beddelka Qeybta 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka ayaa sidoo kale ka gudbay Golaha Aqalka Sare.
Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa Mudanayaasha Aqalka Sare uga mahadceliyay ansixinta wax-ka-beddelka Qeybta 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa intaas kadib Golaha ka hor akhriyay akhrinta koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Dakhliga, kaas oo uu ku tilmaamay sharci muhiim u ah horumarinta nidaamka dakhliga dalka.
Waxa uu sheegay in Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Dakhliga uu muhiim u yahay tayeynta maamulka dakhliga, xoojinta ururinta dakhliga gudaha iyo horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Kulanka Aqalka Sare ayaa kusoo dhammaaday iyadoo Golaha uu meel mariyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta iyo wax-ka-beddelka Qeybta 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka, halka Golaha loo gudbiyay akhrinta koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Dakhliga.