Aqalka Sare oo ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Amniga Saybarka, Akhrinta Koowaadna mariyey laba hindise-sharciyeed

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka 13-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Aqalka Sare, kaas oo looga hadlay hindise-sharciyeedyada horyaalla Golaha iyo dib-u-habeynta Xeer-hoosaadka Aqalka Sare.

Ugu horreyn, Senatorrada Aqalka Sare ayaa Akhrinta Saddexaad marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliyeed, kaddib markii Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Senator Ibraahim Owgaab Cismaanu, uu Golaha la wadaagay warbixinta akhrinta saddexaad ee hindise-sharciga.

Markii cod loo qaaday hindise-sharciga, waxaa oggolaaday 27 Senator, halka hal Senator uu ka aamusay, mana jirin Senator diiday. Sidaas ayaana Hindise-Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliyeed loogu ansixiyey codka aqlabiyadda mudanayaasha ka qeybgalay kulanka.

Sidoo kale, mudanayaasha Aqalka Sare ayaa Akhrinta Koowaad marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Maamulka Danabaysan iyo Hindise-Sharciyeedka Kufsiga iyo Anshax-xumada, kuwaas oo loo gudbiyey marxaladaha xiga ee habraaca sharci-dejinta.

Intii uu kulanku socday, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin, iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Mudane Maxamed Cismaan Naastaro, ayaa Golaha ka hor jeediyey warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan ujeeddooyinka, muhiimadda iyo baahida loo qabo hindise-sharciyeedyada.

Labada mas’uul ayaa mid walba sharaxaad ka bixiyey hindise-sharciga la xiriira waajibaadka wasaaraddiisa, iyaga oo mudanayaasha la wadaagay faahfaahinta qodobbada iyo sababaha keenay diyaarinta hindise-sharciyeedyadaasi.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddiga Xeer-hoosaadka Aqalka Sare, Senator Cabdiweli Ibraahim Xaabsade, ayaa mudanayaasha Golaha la wadaagay soo-jeedinnada wax-ka-beddelka iyo iswaafajinta Xeer-hoosaadka Aqalka Sare iyo Dastuurka cusub ee dalka.

Mudanayaal ka tirsan Aqalka Sare ayaa aragtiyo iyo talooyin kala duwan ka dhiibtay soo-jeedinnada la horgeeyey Golaha, iyaga oo soo bandhigay fikrado la xiriira qodobbada la qorsheeyey in wax laga beddelo iyo sidii loogu waafajin lahaa Xeer-hoosaadka Aqalka Sare.

Kaddib dood iyo falanqayn ay mudanayaashu ka yeesheen soo-jeedinnada wax-ka-beddelka, ayaa cod loo qaaday qodobbadii la soo bandhigay, waxaana cod ku ansixiyey mudanayaasha Golaha.

Kulanka 13-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Aqalka Sare ayaa qeyb ka ah howlaha sharci-dejinta iyo kormeerka ee Golaha, iyadoo ajandayaasha kulanka ay diiradda saareen ansixinta hindise-sharciyeedyada, ka doodista sharciyo cusub iyo dib-u-habeynta xeerarka gudaha ee Aqalka Sare si ay ula jaanqaadaan Dastuurka cusub ee dalka.