Aqalka Sare oo diiday ka qeyb galka Furitaanka 4-aad ee Baarlamaanka

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday in ay ka qeyb galaan Furitaanka kala Fadhiga Afraad ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo hadda Munaasabadiisa ay ka socota xarunta Booliska ee Generaal Kaahiye.

Waxa ay sheegeen in dib loo dhigay furitaanka kalafadhiga Aqalka Sare, islamarkaana maalinta Berri ah furi doonaan.

Waxa ay sheegeen in aysan qeyb ka aheyn furitaanka maanta ee Baarlamaanka ee Soomaaliya ee dugsiga Generaal Kaahiye.