DHEGEYSO:Aqalka Sare oo guddi u saaray Xaaladda Cakiran ee Golaha Shacabka

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa go’aamo deg deg ah kasoo saaray Khilaafka xooggan ee u dhaxeeya xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

ka dib kulan maanta ay yeesheen Guddiga Joogtada ah ee xildhibaanada Aqalka Sare ayaa laga soo saaray baaq ku aadan in khilaafka si deg deg ah loo dhameeyo.

Qodobadda kasoo baxay kulanka Guddiga joogtada ah ee xildhibaanada Aqalka Sare ayaa waxaa warbaahinta u aqriyay xoghayaha Guud ee Aqalka Sare.

Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa sidoo kale guddi u saaray xaaladda Cakiran ee ka dhex taagan baarlamaanka golaha Shacabka Soomaaliyeed.