Aqalka Sare oo ka dooday Hindise-sharciyeedyada Bangiga Dhexe iyo Maareynta Deegaanka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa shir-guddoomiyey kulanka 11-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Aqalka Sare, kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah nidaamka maaliyadeed iyo ilaalinta deegaanka dalka.

Kulanka ayaa lagu bilaabay akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bangiga Dhexe, Lr. 130/2012, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u akhriyey warbixinta hindise-sharciyeedka, isaga oo faahfaahin ka bixiyey muhiimadda uu u leeyahay horumarinta iyo xoojinta nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed, ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Maareynta Deegaanka.

Sanatar Saynab ayaa sharraxaad ka bixisay qodobbada uu Guddigu wax-ka-beddelka iyo sixitaanka ku sameeyey hindise-sharciyeedka intii lagu guda jiray dib-u-eegista, iyadoo soo bandhigtay waxyaabihii lagu daray iyo hagaajinta lagu sameeyey qodobbada sharciga.

Intaas kaddib, Sanatarrada Aqalka Sare ayaa galay doodda Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Maareynta Deegaanka, iyaga oo soo bandhigay aragtiyo iyo talooyin la xiriira wax-ka-beddelka qodobbada qaar, si loo xaqiijiyo waafaqsanaanta Dastuurka iyo ilaalinta danaha guud ee dalka.

Kulankan ayaa qayb ka ah howlaha sharci-dejineed ee Aqalka Sare, kuwaas oo lagu eegayo, laguna horumarinayo hindise-sharciyeedyada horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.