Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta taariikhduna ku beegan tahay 11/1/2020 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Aqalka ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka ayaa ah ka doodida Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo dhawaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ay meel mariyeen.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale dood adag ka lahaa maalmihii lasoo dhaafay Sharciga doorashooyinka ee ay soo diyaariyeen Guddiga baarlamaanka.
Xildhibaananada Golaha Aqalka Sare ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .