Aqalka Sare oo maanta Guddi u saaraya Kiiska Cabdi qeybdiid

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa lagu waddaa in ay maanta kulan ku yeeshaan Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ku dhawaaqaan Guddi.

Guddigaan ayaa soo baari doono Weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa waxa ay sheegeen in Guddigaan ay heystaan Muddo gaaban, islamarkaana maalmo kooban ka dib ay ku dhawaaqi doonaan Natiijadda Baarista.

Senetaradda Aqalka Sare ayaa horay u ansixiyay in Guddi loo saaro Kiiskaasi , Maadaama Cabdi qeybdiid uu sheegay in uusan ku kalsooneyn Guddi uu horay u magacaabay Madaxweyne Farmaajo