Aqalka Sare Oo Maanta Shaacinaya Xilliga Uu Hor Imaanayo Ra’iisul Wasaaraha

Waxaa Maanta kulan ku leh Magalada Muqdisho guddiga joogtada Golaha Aqalka Sare,iyada oo kulankooda ay uga hadlayaan arrmo dhowr ah.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa kulanka Maanta warixin looga dhageysan doonaa taas oo ku saabsan kulankii Wakiilada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika ee uu kala hadlay khilaafka Dowladda iyo dowlad Goboleedyada.

Inta uu kulanka socdo ayaa waxaa aqalka Sare uu go’aamin doonaa xilliga uu dhacayo kulan xog wareysi ah oo Aqalka sare la qaadanayo Ra’iisul Wasaaraha si ay su’aalo u weeydiiyaan.

Xubnaha Aqalka Sare ayaa Ra’iisul wasaaraha wax ka weeydiin doonaan arrimaha Khilaafka Dowladda iyo dowlad Goboleedyada iyo qodobo kale.

Hadaba Go’aanada Maanta ka soo baxa kulanka Guddiga joogtada ee Aqalka Sare kala socda Radiodalsan.com