Aqalka Sare Oo War Ka Soo Saaray Shirka shidaalka Soomaaliya ee London ka dhacaya

Guddiga Kheyraadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay Shirka shidaalka Soomaaliya ee la qorsheeyey inuu London ka dhaco 7-da Febraayo.

Ilyaas Cali Xasan Guddoomiyaha guddigaasi War kasoo baxay Xafiiskiisa  ayaa lagu sheegay  in shirkan uu yahay sharci-darro, islamarkaana Soomaaliya aysan qaban karin shir noocan oo kale ah ilaa laga ansixiyo sharciga shidaalka dalka.