Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xuseen Cali Xaaji, iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradda.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska Guddiga ayaa qayb ka ahaa gudashada waajibaadka kormeer iyo isla-xisaabtan ee Aqalka Sare, waxaana diiradda lagu saaray Hindise-Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada.
Guddiga ayaa Wasiir Ku-xigeenka iyo masuuliyiinta Wasaaradda ka dalbaday inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan qodobbada hindise-sharciyeedka, gaar ahaan meelaha ay xubnaha Guddigu u baahnaayeen fasiraad iyo sharraxaad dheeraad ah.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Xuseen Cali Xaaji, iyo xubnihii kale ee la socday ayaa si faahfaahsan uga jawaabay su’aalihii ay xubnaha Guddigu ka weydiiyeen hindise-sharciyeedka.
Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa sidoo kale bixiyay sharraxaad iyo fasiraad ku saabsan qodobbada qaar ee hindise-sharciyeedka, si xubnaha Guddigu u helaan faham dheeraad ah oo ku saabsan ujeeddada iyo nuxurka sharciga.
Kulanka ayaa sidoo kale fursad u noqday in labada dhinac ay is dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan muhiimadda ay leedahay in hindise-sharciyeedku noqdo mid si cad loo qeexay, lana jaanqaadaya baahiyaha iyo duruufaha dalka, gaar ahaan dhinacyada saadaasha hawada iyo isbeddelka cimilada.
Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed oo kulanka shir guddoominaysay ayaa uga mahadcelisay Wasiir Ku-xigeenka iyo masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada jawaabihii iyo faahfaahintii ay ka bixiyeen su’aalihii Guddiga.
Sanatar Saynab ayaa tilmaantay in kulamada iyo wadatashiyada noocan ah ay muhiim u yihiin hubinta in qodobbada sharciyada si cad loo qeexo, si wanaagsan loo fahmo, isla markaana ay waafaqaan baahida, duruufaha iyo danta guud ee Qaranka.
Kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada Aqalka Sare uu ku xoojinayo doorkiisa sharci-dejinta iyo kormeerka hay’adaha dowladda, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo in sharciyada la ansixinayo ay noqdaan kuwo dhammaystiran oo si cad u qeexaya waajibaadka iyo awoodaha hay’adaha loo dhisayo.