Aqoon-Is-Weydaarsi Loogu Qabtay Hindise Sharciyeedka La-Dagaalanka Burcad-Badeedda

Xubnaha Guddiga Garsoorka, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqda Aadanaha, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ayaa maanta furay kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hindise sharciyeedka la-dagaalanka burcad-badeedda, kaas oo guddigu gacanta ku hayo.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubnaha Guddiga, sharci yaqaannada iyo howlwadeenno ka tirsan Golaha Aqalka Sare, ayaa diiradda lagu saaray fahamka qotada dheer ee hindise sharciyeedka iyo habraacyada la xiriira waafajinta xeerarka gudaha iyo heshiisyada caalamiga ah ee khuseeya la-dagaalanka burcad-badeedda.
Intii uu socday aqoon-is-weydaarsigu, guddigu waxay si gaar ah u lafa-gureen qodobbada muhiimka ah ee sharciga, iyagoo xoogga saaraya dhammaystirka habraacyada sharciyeed si loo helo sharci tayo leh oo la jaan-qaadaya baahida dalka, xoojinta amniga badaha Soomaaliya, iyo ilaalinta danaha qaranka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo nidaamka sharci dejinta iyo xaqiijinta in shuruucda la ansixinayo ay noqdaan kuwo waafaqsan heerarka qaran iyo kuwa caalami ah.