Aradayda Sanadkaan dhameysay waxbarashada Sare oo Sharuud lagu xiray

War kasoo wasaaradda Waxbarashada Somaaliya ayaa Aradayda Sanadkaan baxday lagu wargaliyay in aysan horay jamacad ka bilaabi karin oo maryaan halsano oo ah waxbarshada Asaasiga ah warka kasoo wasaarada ayaa u qornaa sida tan.

Wasaaradda Waxbarashada waxay la wadaageysaa Bulshada Soomaaliyeed in Laga billaabo sannad-dugsiyeedka 2023/2024, dhammaan ardayda doonaysa inay galaan tacliin jaamacadeed, waa inay maraan hal sano oo waxbarasho asaasi ah (Foundation Year).

Maaddooyinka lagu dhigayo Sannadka Waxbarashada e asaasiga ah, waa inuu ka mid noqdaa Afka Soomaaliga oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka yo taariikhda), Afafka Carabiga iyo Ingiriiska (ama luqadda uu ardayga ku qaadan doono waxbarashadiisa jaamacadeed), Daraasaadka Islaamka (Fahamka guud iyo akhlaaqda Islaamka), Xirfadaha Habqoraalka Akadeemigga ah, Xirfadaha Xallinta khilaafaadka, Xiriirka Bulshada iyo Hab-fekerka Naqdineed (Critical Thinking).