Arday Lagu Dhex Dilay Iskuul Ku Yaalla Baladweyne

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saakay uu dagaal ku dhexmaray labada arday oo wada dhiganeysay hal Iskuul.

Ardaydaan ayaa waxaa la sheegay in ay isku weerareen Tooreyda,kuwaasi oo waxkabarta Iskuulka Mujamac ee ku yaalla Baladweyne,isla markaana Iskuulka lagu dhex dilay Mid kamid ah ardaydaasi,halka midka kalena uu dhaawac soo gaaray.

Wariye ku sugan Magaalada Baladweyne oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu u sheegay in Ardayga dhaawacmay la geeyay Isbitaalka Baladweyne halkaasi oo haatan lagu dabiibayo Xaaladiisa Caafimaad.

Ilaa iyo hadda lama sababta keenty inay labadaan arday isku weeraraan Toorey,iyagoona waxkabaran jiray Iskuulka lagu magacaabo Mujamac eek u yaalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.