Arin Uu Fabian Delph U Sheegay Raheem Sterling Qeybtii Nasashada Kulankii Manchester Derby Oo Beenoowday

Raheem Sterling kulan wanaagsan kuma soo marin ciyaartii Manchester Derby ee ay guuldaradda foosha xun kala kulmeen Manchester United.

Laacibkii hore ee Liverpool waxa uu daayacay laba fursadood oo dahabi ahaa isaga oo hawada ku tolay laba jeer oo uu kubadd ula tagay De Gea.

Marka taas laga soo tago, wiilasha Manchester City iyaga ayaa amar ku taagleynta cayaarta lahaa iyaga oo 2-0 ku maray qaybtii hore.

Fabian Delph ayaa sii dhiirigaliyey Sterling qeybtii nasashada markii la aaday xilli laacibkii hore ee Aston Villa uu u sheegay saaxiibkiis in uu saddexley dhalin doono.

Waxaa la duubay Delph oo leh: “Ka ag dhawow boosaskaas.

 “Waxaad dhalin doontaa laba ama saddex.”

Nasiib darro, waxba uma hagaagin Sterling qeybtii dambe.

Manchester United ayaa weerar cir iyo dhul ah oo ay soo qaaday bilowgii qeybtii dambe cayaarta dhinaca kale u rogtay iyada oo ku adkaatay 2-3.

Sterling markale ayuu daayacay fursad kale oo qaali ahayd isaga oo meel gool uu jirta lix yaardi darbo uu ka riday qoriga ku jiiday