Arsene Wenger Muxuu Doonayaa In Lagu Xasuusto?

Arsene Wenger waxa uu rabaa in lagu xasuusto dhaqanka uu keenay Arsenal.

Tababaraha Arsenal waxa uu ka tegayaa Arsenal 22 sano kaddib oo uu hoggaaminayey kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Kulankiisa ugu dambeeya waxa uu ku soo ciyaari doonaa Huddersfield xilli Arsenal dooneyso in ay soo hesho dhibcihii ugu horreeyey oo dibada ah 2018.

Wenger waxa uu Arsenal ku hoggaamiyey 3 Premier League iyo 7 FA Cup intii uu leylinayey.

Sidoo kale waxa uu udub dhexaad u ahaa u soo wareegiidda Emirates iyada oo ka soo guurtay Highbury.

Maxaa lagu xasuusan doonaa?

Wenger waxa uu ku jawaabay: “Koobabkii iy garoonka”, ayuu yiri.

“Waxaan dhahaa raadka waa waxa aad u maleeneyso in ay muhiim tahay, sida aad ula dhaqanto ciyaaryahanadaada.

“Farriimo badan ayaan ka helay ciyaaryahanada, oo aan ahayn koobabka aan ku wada guuleysannay , waa dhinaca bili’aadannimo.

“Taas waa waxa ay la haraan ciyaaryahanada – iyo dhaqanka kooxda – waxa ay ogaadaan marka ay melkale aadaan.

“Taas waa waxa aan rabto  taas kaddib waxaad dooneysaa qaab ciyaareedka, tababarahana waxa uu saameyn ku leeyahay sida aad kubadda ku ciyaareyso. Aragtida aad dooneyso in aad ka bixiso ciyaarta aad jeceshay.

“Dhismaha kooxda, sida aad shaqsiyaadka u saameyn karto si ay wanaag ugu noolaadaan. Dhammaan waxaas oo dhan waxaad dooneysaa in lagugu xasuusto.”