AS Oo shaaciyay xogta ninkii fuliyay weerarkii xerada janeral gordan.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo ka hadlay toogashadii uu xerada Jeneraal Goordan ee Muqdisho ka geystay askari ka tirsanaa ciidankii dhawaan ay Imaaraadku tababareen ayaa soo bandhigay xogta ninkii fuliyey weerarka.

Cali Dheere ayaa sheegay in ninka fuliyey toogashada uu ahaa Mustafa Mukhtaar Aadan oo 27 sano jir ahaa, kana soo jeeday degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Wuxuu sheegay inuu Shabaab u shaqeynayey, isla markaana uu beegsaday goob gaar ah oo saraakiisha Imaaraadka iyo la howlgalayaashooda ay uga sugnaayeen xerada Jeneraal Goordan.

Afhayeenka Al-Shabaab, wuxuu sidoo kale sheegay bartilmaameedka ugu weyn uu ahaa afar sarkaal oo Imaaraadka ka joogtay xerada, kuwaas oo dhamaantood toogashada ku dhintay, isagoo sheegay inay kala ahaayeen ninkii ugu sareeyey howlgalka Imaaraadka ee koonfurta Soomaaliya, madaxii sirdoonka, madaxii saadka iyo madaxii gaadiidka.

Qeybihii dambe ee hadalkiisa Cali Dheere wuxuu ku dheeraaday suurad xumeynta howlgalka Imaaraadku uu ka wado Soomaaliya iyo guud ahaan dunida muslimka, sidoo kale wuxuu sheegay in Itoobiya ay ku taageerayaan inay qabsato badda Soomaaliya.

Ninka fuliyey toogashada laguma helin haba yaraateed fursad lagu wareysto, maadaama uu ku dhintay jawaabta rasaastii uu bilaabay, mana cadda in gacan-saar uu la lahaa argagixisada iyo inuu fulinayey dano kale.