AS oo Weerar ku Qaaday Deegaanka Daaru-nimca ee Gobolka Shabeelada dhexe.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan kooxda ay weerar ku qaadeen saaka fariisin ciidan oo ku taal deegaanka Daaru-Nimca.

Weerarkan oo lagu sheegay mid gaadmo ah, ayna kooxda fulisay xilliga hore ee waaberigii, xilligaasi oo ay inta badan fuliyaan weerarada ay kooxda ku qaado xeryaha ciidanka dowladda.

Fariisinta ciidan ee la wareeray ayaa waxaa deganaa ciidamo ka tirsan dowladda ee qeybta ka ah gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Maalmo kahor ayay aheyd markii ay kooxda weerar noocaan ah ay ku qaado fariisimo ay ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaano dhaca dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab oo weeraradaas usoo abaabushay si qorsheysan, islamarkaana kula dheel-matay xilli hore oo ay hurdayeen inta badan ciidamada ku sugnaa goobaha la weeraray ayaa waxaa lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabo Gaashaanle Liibaax Maxamed Cabdulle (Golcad), kaasi oo kamid ah ciidamada boolis milataaro ee loogu tala-galay sugida amniga Muqdisho iyo agagaarkeeda.

Kooxda ayaa muddooyinkii dambe xoojineysay weerarada argagixiso ee ay ku beegsaneyso ciidanka, xilli uu hoos u dhac ku yimid gulufkii dagaal ee ka dhanka ahaa, taasi oo loo aaneynayo soo rogaal celinta weerarada kooxda oo ay ku baxeen saraakiil muhiim u ahaa dagaalka socda.