Asad Cabdullahi oo Kormeeray Xarunta CID Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa dhawaan kormeer shaqo ku tegay xarumaha kala duwan ee booliska, kuwaas oo kala ah:

  • Xarunta Baarista Dambiyada ee CID: Taliyaha ayaa booqday xaruntan si uu u qiimeeyo habsami u socodka hawlaha baarista dambiyada iyo sidii loo xoojin lahaa awoodda ciidanka ee la dagaallanka falalka sharci-darrada ah.

  • Qeybta Nabad-gelyada Wadooyinka: Kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo hagaajin lahaa amniga wadooyinka iyo nidaamka taraafikada, iyadoo la dardargelinayo wacyigelinta bulshada iyo fulinta shuruucda wado-marista.

  • Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee Janaraal Kaahiye: Taliyaha ayaa kormeeray dugsigan si uu u hubiyo tayada tababarka la siiyo ciidanka cusub iyo kuwa hore, isagoo ku booriyay inay sare u qaadaan xirfadaha iyo aqoonta ay u baahan yihiin si ay ugu adeegaan bulshada.

  • Xarunta Birmadka Booliska: Xaruntan oo dib-u-habeyn lagu sameynayo ayuu taliyaha booqday, isagoo u kuurgalay horumarka shaqooyinka socda iyo baahiyaha jira si loo dhammeystiro dib-u-habaynta, taasoo kor u qaadi doonta awoodda ciidanka ee ka jawaabista xaaladaha deg-degga ah.

Kormeerka Taliyaha ayaa salka ku haya isla xisaabtanka iyo korjoogteynta shaqada, waana qeyb kamid ah fulinta ballan-qaadyadii uu bulshada u soo jeediyey markii uu xilka la wareegay. Tani waxay muujineysaa sida ay uga go’an tahay hogaanka booliska in la xoojiyo hufnaanta iyo tayada adeegyada amniga ee loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.