Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Cumaan, xilli uu ku guda jiray safarkiisa diblomaasiyadeed ee uu ku joogo Saldanadda Cumaan.
Wasiirka ayaa halkaas si diirran loogu soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Cumaan, Mudane Bashiir Xasan Xaaji, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan safaaradda. Soo dhoweynta kadib, wasiirka ayaa kulan la qaatay dhammaan shaqaalaha safaaradda, si uu u dhageysto warbixinno ku saabsan howlaha ay qabtaan iyo adeegyada ay siiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.
Intii uu kulanka socday, Wasiirka ayaa dib u eegis ku sameeyay howlaha diblomaasiyadeed iyo adeegyada qunsuliyadeed ee safaaradda, isaga oo si gaar ah u bogaadiyay dadaalka iyo shaqada ay wadaan shaqaalaha safaaradda, inkastoo ay jiraan caqabado kala duwan.
Wuxuu sidoo kale ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista hufnaanta, tayada shaqo iyo xirfadda shaqaalaha, si loo hubiyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan adeegyo degdeg ah oo tayo leh, isla markaana ku habboon baahiyahooda.
Wasiirka ayaa tilmaamay in safaaraduhu ay yihiin wejiga dowladda Soomaaliya ee dibadda, sidaas darteedna ay lama huraan tahay in la xoojiyo sumcadda iyo kalsoonida ay shacabka ku qabaan, iyadoo loo marayo adeegyo hufan, isla xisaabtan leh, oo waafaqsan shuruucda iyo habraacyada dowladeed.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ku boorriyay shaqaalaha safaaradda inay sii wadaan dadaalladooda, isla markaana ay laba jibbaaraan howlkarnimada, si ay si wanaagsan ugu adeegaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Cumaan.